Uncategorized
Aqoonyahan ka digay isticmaalka Caruurta Hubka Macmalka ah
Aqooyahan Ismaaciil Xaaji Warsame ayaa wuxuu u kuur galay Hubka Macmalka ah ee caruurta loo iibiyo si loogu ciyaarsiiyo maalmaha Munaasabadaha ay jiraan qatarta ka dhalan karta maskax ahaan koritaanka Caruurta isagoo intaas raaciyay in laga haboon yahay in caruurta loo iibiyo Bastooladaha Caagga ah iyo Qoryaha Caagga ah. […]
Tani waxay nagu adkeyneysaa wax badan maxaa yeelay caruurtu ma ahan wax la mid ah, laakiin keli ahaantooda aabayaashood, sidaas awgeed, tani waxay tusinaysaa ama muujinaysaa in koritaanku aanu u diyaarsanayn nabadda iyo barwaaqada. Waxaan xasuustaa markii aan joogay Hindiya, ciyaaraha carruurta waxay ahaayeen kuwo badanaa ah madadaalo madadaalo ama qalab hub ah
Alaab-qeybiyeyaashu, inta badan waa ganacsatada fursadaha raadinaya faa’iido dhaqaale oo ka yimaada wax kasta oo suuqa laga iibsan karo, oo ka soo jeeda qashinka iyo dhaqanka qashinka lagu ciyaaro, qalabka ciyaaraha lagu ciyaaro ee xaaladdan khaas ah, iyo ugu xun, cidina ma xakamaynayso waxa ay u maleynayaan inay iibiyaan dadka.
Uncategorized
Villa Soomaaliya oo markii ugu horaysay ka hadashay qaraxii shalay
Maanta magaalada Muqdisho ayaa waxaa aas-Qaran loogu sameeyay Seddax Gudoomiye degmo labo Agaasime iyo Sedax lataliye sare oo dhamaan ahaa mas,uuliyiintii maamulka Gobolka Banaadir ee ku nafwaysay qaraxii shalay galab ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir waxaana ka qeyb galay aaskaas Qaran wasiiro, Xildhibaano,Saraakiil, ehel iyo saaxiibada marxuumiinta geeriyootay waxaana lagu Aasay qabuuraha Isbitaalka Madiina […]
Maanta magaalada Muqdisho ayaa waxaa aas-Qaran loogu sameeyay Seddax Gudoomiye degmo labo Agaasime iyo Sedax lataliye sare oo dhamaan ahaa mas,uuliyiintii maamulka Gobolka Banaadir ee ku nafwaysay qaraxii shalay galab ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir waxaana ka qeyb galay aaskaas Qaran wasiiro, Xildhibaano,Saraakiil, ehel iyo saaxiibada marxuumiinta geeriyootay waxaana lagu Aasay qabuuraha Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Markii aaska Qaran uu soo idlaaday ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Agaasimaha Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed wuxuu marka hore ka tacsiyadeeyay geeridii mas,uuliyiinta aaska Qaran ay usameeyeen ka dibna wuxuu ka hadlay wixii shalay galab ka dhacay Gobolka Banaadir.
Agaasime Cabdinuur ayaa sheegay in falkaas uu ahaa fal wuxuushnimo islamarkaana ay fuliyeen Khayr laawiyaal sidoo kale wuxuu sheegay Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed in falkaas Laamaha amniga ay ku hayaan baaritaan adag cida fudadaysay,sida lagu geliyay qaraxa gudaha xarunta iyo hoolka shirarka ee xarunta Gobolka Banaadir iyadoo si dhamaystiran loo baarayo Kaamirooyinka ku xiran xarunta iyo baaritaan cilmi ku dhisan oo lagu samaynayo guud ahaan sida ku suurta gashay in qarax uu ka dhaco xarunta oo amaankeeda oo loo waardiyo.
Agaasimaha Madaxtooyada qeybta Warbaahinta Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ugu baaqay bahda Saxaafadda Soomaaliyeed inay ka gaabsadaan baahinta wararka ku saabsan khasaarihii ka dhashay weerarka bahalnimada ah si aanay ugu farxin cadowga sida uu ka dhawaajiyay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.
“Weerarkan ma,ahan kaliya mid lagu soo qaaday xafiis dowladeed ee waa mid lagu qaaday guud ahaan Umadda Soomaaliyeed si loo baabi’iyo sharafta iyo jiritaanka Ummada Soomaaliyeed taasna waa inay nagu kaliftaa in maanta oo kale aan meel iska dhigno kala aragti duwanaanta ee dhexdeena ah oo aan muujinaa midnimo iyo isku duubni islamarkaana hal meelna aan uga soo wada jeesanaa argagixisada hadaf kooda uu yahay in si aan kala sooc lahayn oo wuxuushnimo ah ummadda u laayaan iyagoo caadeystay inay bartilmaameed sadaan shaqsiyaadka bulshada indhaha u ah”ayuu yiri Agaasimaha Madaxtooyada qeybta Warbaahinta Cabdinuur Maxamed Axmed.
Agaasime Cabdinuur oo umahad celiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho sida qiimaha leh ee ay ula shaqeeyeen laamaha amniga Muqdisho ayaa ku booriyay inay labajibaaraan wada shaqaynta Ciidamada kala duwan ee amniga qaabilsan si looga adkaado argagixisada gumaadaysa shacabka iyo haldoorka Soomaaliyeed.
Uncategorized
Iska hor imaad ka dhacay Muqdisho
Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa caawa waxaa dagaal kooban uu ku dhaxmaray Ciidanka Booliska oo roondo amni sugid ah ku jiray iyo shaqsi ku hubaysnaa Bastoolad ka dib markii Ciidanka ka shakiyeen ruuxaas sida Wargayska Tusmotimes usheegay mid ka mid ah shacabka ku nool degmada Boondheere gaar ahaan xaafadda dagaalka uu ka dhacay. Israsaaseyn […]
Uncategorized
Dil caawa ka dhacay degmada Hodan
Xaafada Siigaale ee degmada Hodan ayaa caawa maqribkii ka dib waxaa lagu dilay mid ka mid ahaa dhalinyarada ku nooleed ka degmadaas waxaana dilkiisa ka dambeeyay koox Bastoolado ku hubaysan sida ay sheegeen qaar ka mid ah dhalinyarada xaafadaas dilka uu ka dhacay oo la hadlay Wargayska Tusmotimes. Kooxda dishay ninkaas dhalinyarada ah ayaa ka […]
Xaafada Siigaale ee degmada Hodan ayaa caawa maqribkii ka dib waxaa lagu dilay mid ka mid ahaa dhalinyarada ku nooleed ka degmadaas waxaana dilkiisa ka dambeeyay koox Bastoolado ku hubaysan sida ay sheegeen qaar ka mid ah dhalinyarada xaafadaas dilka uu ka dhacay oo la hadlay Wargayska Tusmotimes.
Kooxda dishay ninkaas dhalinyarada ah ayaa ka baxsaday goobta ay wax ku dileen ilaa haddana lama oga sababta ay udileen marxuumka iyo kooxda ay ka tirsan yihiin.
Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in daqiiqado ka dib ay gaareen Ciidamada amniga ee Muqdisho iyagoo howlgal ka fuliyay xaafada Siigaale ee Degmada Hodan sida aan warka ku helnay.
Ninkan dhalinyarada ah oo ilaa hadda aan lagaranin magaciisa iyo shaqadiisa waxay ahayd ayaa waxaa wali ka hadlin laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya.
-
Local News12 months ago
Ubax Cali oo noqotay wariyihii ugu horreeyay ee Soomaali-Maraykan ah oo TV Minnesota ku yaala wariye ka noqota
-
Local News11 months ago
24-year-man charged with attempted murder, assault for gunfire exchange with Park police
-
Local News11 months ago
Dab ka kacay dhismii ahaan jiray dukaanka Kmart ee ku yaala wadada Lake ee Minneapolis
-
Arts & Culture12 months ago
Munaasabad lagu maamuusayo sannad guuradii tobnaad ee ka soo wareegtay aas-aaska madxafka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ee Minnesota
-
Arts & Culture12 months ago
Award-winning artist K’naan releases new song honouring refugees
-
Local News11 months ago
Minnesota honors refugees for their contributions
-
Health12 months ago
Research Brief: ‘Social capital’ contributes to food security of Somali-American households
-
Health12 months ago
Vaping – What Parents Should Know