Wararka Soomaalida

Ciidamada amniga oo markale soo qabtay hub iyo wax yaabaha qarxa

Ciidamada amaanka ee Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka Nabad sugidda ee NISA ayaa markale deegaanka ceelashaha biyaha ka soo qabtay Miinooyinka Qarax ka dib howlgal ka dhacay Guri ku yaala deegaanka ceelasha biyaha. Qaraxyadan ayaa waxaa laga soo qoday god weyn oo hubkan lagu qarinayey ka dib markii ay u soo sheegeen shacabka sida ay sheegeen […]

Published

on

Ciidamada amaanka ee Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka Nabad sugidda ee NISA ayaa markale deegaanka ceelashaha biyaha ka soo qabtay Miinooyinka Qarax ka dib howlgal ka dhacay Guri ku yaala deegaanka ceelasha biyaha.

Qaraxyadan ayaa waxaa laga soo qoday god weyn oo hubkan lagu qarinayey ka dib markii ay u soo sheegeen shacabka sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada amaanka.

Saraakiisha Ciidanka NISA ayaa sheegay in sidoo kale ay ka soo qabteen ninkan hoygiisa walxaha qarxa kuwaasoo kala ah 10 Miinada gawaarida lagu dhajiyo, 10 Mobile oo qaraxyo lagu fulin rabay, 8 Bam gacmeed nooca loo yaqaano F1 iyo bastoolado.

“Ciidanka Amniga ayaa howlgal ay ka fuliyeen Ceelasha Biyaha ku soo qabtay caawa dhagarqabe gurigiisa ku hayey waxyaabaha qarxa si shacabka loogu dhibaateeyo”ayaa lagu yiri qoraalka NISA ee la soo dhigay barta Twitter-ka ay ku leeyihiin.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dowlada ay isla deegaanka ceelasha ay ka soo qabteen god weyn oo Al shabaab ay ku keediyeen hub aad u fara badan oo isugu jiray waxyaabaha qarxa, rasaas iyo kuwo kale waana howlgalkii labaad oo ubiro dhalay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version