Local News
Duqa Minneapolis Jacob Frey oo jago sarre wiil Soomali ah u magacaabay
Minneapolis- Golaha Guddiga Siyaasadda iyo Horumarinta Guriyeynta Magaalada Minneapolis ayaa maalintii Arbacada u codeeyay , magacaabayna Sharmarke Maxamed Ciise in uu xubin rasmi ah ka noqdo Guddiga Maamulka Guryahay Dadweynaha Minneapolis. Sidoo kale Sharmake M. Ciise ayaa loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Maamula Guryahay Dadweynaha Minneapolis. Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa Sharmarke […]
Minneapolis- Golaha Guddiga Siyaasadda iyo Horumarinta Guriyeynta Magaalada Minneapolis ayaa maalintii Arbacada u codeeyay , magacaabayna Sharmarke Maxamed Ciise in uu xubin rasmi ah ka noqdo Guddiga Maamulka Guryahay Dadweynaha Minneapolis.
Sidoo kale Sharmake M. Ciise ayaa loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Maamula Guryahay Dadweynaha Minneapolis.
Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa Sharmarke M. Ciise u magacaabay in uu xubin ka noqdo guddigan. Haddaba waxaa Sharmaarke u codeeyay oo taageeray 4 kamid ah Gollaha Guddiga Siyaasadda iyo Horumarinta Guriyeynta magaalada Minneapolis, halka 1 qof oo gudiga kamid ahi uu codka u diiday Sharmaarke.
Sharmarke Maxamed Ciise oo ah 37-jir ayaa ah xubin muhiim ah oo ka tirsan bulshadda Soomaaliyeed ee ganacsatada ah. Sharmaake ayaa ah aqoon yahay takhasus iyo khibrad waayo aragnimo u leh ganacsiga iyo qorsheynta.
Sharmarke ayaa isagu ku koray magaalada Minneapolis, gaar ahaan xaafada Cedar oo ah xaafada ay deggan yihiin dad weynaha Soomaaliyeed ee ugu badan ee ku dhaqan magaalada Minneapolis.
Sidoo kale Sharmarke ayaa noqonaya qofkii ugu horreeyey ee Soomali ah ama ka soo jeeda qaarada Afrika ee hoggaamiya Guddiga Hay’adda Guryaha Dadweynaha ee magaalada Minneapolis iyo guud ahaanba magaalooyinka waa weyn eek u yaala dalka Maraykanka.
Cabdi Salah oo ku magacdheer Abdulquduus Donyale oo kala talliya Duqa magaalada Minneapolis howlaha guud iyo gaadiidka, isla markaana ah xiriirka u dhaxeeya magaalada iyo Hay’adda Guryaha Dadweynaha ee magaalada Minneapolis ayaa magaabistaan aad u soo dhaweeyay.
“Waxaan baadigoobeynay shaqsi le aqoon iyo waayo aragnimo la xiriirta guriyeynta, isla markaana ka tarjumi karo aragtida dadka ku nool guryahan. Waxaan kalsooni badan ku qabnaa, in uu Sharmarke ka soo bixi karo xilka loo igmaday” ayuu yiri Cabdi Salah (Cabdiquduus) oo isagu kamid ah hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed, kana shaqeeya xafiiska ugu sareeya magaalada, waa xafiiska duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey oo isagu xilkan u magacaabay Sharmarke.
Haddaba waxaa la sugayaa in Gollaha Magaalada Minneapolis ay u codeeyaan ama ay xaqiijiyaan magacaabista Sharmarke kulan ay leeyihiin maalinta Jimcaha, May 17, 2019.
Guddiga uu Sharmarke Guddoomin doono iyo Hay’adda Guryaha Dadweynaha ee magaalada Minneapolis ayaa maamula 5,000 oo ah guryaha dadweynaha, 42 guri oo ah dabaqyadda dhaadheer iyo 700 oo guri oo ah kuwa loogu talagalay hal halka qoys.
Guddigan ayaa sidoo kale maamula dhaqaalaha iyo shahaadooyinka loo yaqaano Section 8 foojarris oo ah nidaam dhaqaale ahaan taageera dadka aan awoodin in ay la baxaan kirada guryaha. Shahaadooyinka iyo ogolonaanshaha Section 8 foojarris ayaa loogu talagalay in lagu kiraysto guryahay, waxaana isticmaala ama loo ogolyahay in ay ka faa’idaystan in ka badan 5,000 oo qof oo deggan magaalada Minneapolis.
Hadii maalinta Jimcaha ay Gollaha Guddiga Guurtida Minneapolis ay xaqiijiyaan, taageeraana magacaabista Sharmarke, wuxuu guddoomin doonaa guddi sagaal xubnood ah, guddigan oo dejiya miisaaniyadda iyo siyaasadda uu wax ku maamulo oo agaasimaha shaqo fulinta u qaabilsan Hay’adda Guryaha Dadweynaha ee magaalada Minneapolis. Miisaaniyadda hay’adaha guryaha dadweynaha ee Minneapolis ayaa ahayd $107 milyan sannadkii 2018.
Magacaabista Sharmarke M. Ciise ayaa ah mid muhiin u ah bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Minneapolis, maadama ay Soomaalida deggan magaalada Minneapolis ay intooda badani deggan yihiin guryaha ay maamusho Hay’adda Guryaha Dadweynaha ee magaalada Minneapolis ama guryo qaata Section 8 foojarris ay magaaladu bixiso, aqbashana.
Local News
Hudda Ibrahim oo xil loo magacaabay islamarkaana ay ansixiyeen guddiga golaha deegaanka magaaladda Saint Cloud
Saint Cloud – Guddiga golaha deegaanka magaaladda Saint Cloud ee gobolka Minnesota ayaa Dr. Hudda Ibrahim u magacaabay in ay kamid noqoto guddiga gollaha deegaanka magaaladda Saint Cloud. Hudda ayaa qabanaysa xilkii uu hayey Jake Anderson oo bishii November loo doortay in uu noqdo duqa magaaladda Saint Cloud.
Dr. Hudda Ibrahim ayaa waxaa u codeeyay dhamaan xubnaha guddiga gollaha deegaanka magaaladda Saint Cloud ee gobolka Minnesota. Dr. Hudda Ibrahim ayaa taariikh cusub ka dhigtay magaaladda Saint Cloud. Waxay noqotay qofkii u horeeyay ee Soomaali ah ee xil dowladeed ka qabta magaaladda Saint Cloud.
Xigashadda sawiradda: Xidig TV
Local News
Magaaladda St. Paul oo bixisay deymo lagu lahaa 32,000 oo qof
SAINT PAUL – Magaaladda St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa bixisay dhamaan deymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa 32,000 oo qof oo deggen magaaladda. Duqa magaaladda St. Paul iyo shaqaalaha howshan ka shaqeeyay ayaa todobaadkan waraaqo u diraya 32,000 oo qof oo ay u sheegayaan in dhamaan wixii dayn caafimaad ee lagu lahaa laga bixiyay, lagan tirtiri doono.
Arrintan oo aad loo hadal hayo ayaa waxaa balanqaaday duqa magaaladda St. Paul Melvin Carter markii uu ku jiray ololaha doorashadda ee dib loogu doortay. Haddaba magaaladda St. Paul ayaa tirtirtay daymo qiimo ahaan ah $40 milyan oo ah daymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa dadka deggen magaaladda. Duqa magaalada St. Paul Melvin Carter ayaa sheegay in qorshahan looga golleeyahay in taageero la siiyo dadka daynta lagu leeyahay ee deggen magaaladda St. Paul si culeyksa dhaqaale looga qaado, loona garab qabto oo loo kaalmeeyo.
Local News
NINKII SHANTA GABDHOOD SHILKA KU DILAY OO DIIDAY HESHIIS QIRASHO AH, GO’AANSADAYNA IN MAXKAMAD LA HORGEEYO
MINNEAPOLIS – Derrick Thompson oo ah ninkii shanta gabdhood ee Soomaalida ah shil gaadhi ku dilay ayaa diiday heshiis qirasho ah oo ay haweenayda ah Xeer-ilaaliyaha Degmadda Hennepin soo hordhigtay, balse ninkan ayaa sheegay in uu beddelkeeda maxkamadayn doonayo. Ninkan ayaa ku eedaysan dil darajada saddexaad ah iyo dil baabuur oo lagu eedeeyay in uu baabuur ku dhacay oo uu dilay shan gabdhood oo saaxiibo ah isaga oo ka baxsanaya booliiska.
Bishii hore ayeey maxkamad heer federaal ah ninkan ku heshay dhowr dembi oo la xiriira dilka gabdhaha. Qareenada Degmadda Hennepin ayaa xaqiijiyay in Derrick Thompson iyo qareenada difaacaya ay diideen heshiiska qiraalka ah, iyaga oo door biday in dacwadda la billaabo Febraayo 18, 2025 oo maxkamad la aado.
Derrick Thompson ayaa lagu soo oogay shan dacwadood oo kala ah dil darajada saddexaad ah iyo 10 fal dambiyeed dil baabuur ah oo sababay dhimashada shan gabdhood oo dhallinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 17 ilaa 20 jir: Salma Mohamed Abdikadir, Sahra Liban Gesaade, Sagal Burhaan Hersi, Siham Adan Odhowa, and Sabiriin Mohamoud Cali.
-
Local News6 months ago
Governor Walz Announces Minnesota Ranked as a Top State for Business
-
Local News3 months ago
Celebrating Community: The Inaugural Samafal Gala at the Minnesota Somali Community Center
-
Community4 months ago
Youth Leader and Mentor: Mohamed Jama’s Fight for Change in Whittier
-
Local News6 months ago
Secretary Simon Named President of the National Association of Secretaries of State
-
Local News4 months ago
BCA Identifies man shot by Minneapolis police after firing AK-47 in Minneapolis apartment building
-
Videos3 months ago
Contracting: Mastering the Basics and Beyond – Nov 13th
-
Local News2 months ago
NINKII SHANTA GABDHOOD SHILKA KU DILAY OO DIIDAY HESHIIS QIRASHO AH, GO’AANSADAYNA IN MAXKAMAD LA HORGEEYO
-
Local News2 months ago
Duqa magaaladda Minneapolis Jacob Frey ayaa qorsheynaya inuu mar kale isu soo taago doorashada Duqa Magaaladda