Wararka Soomaalida

Fanaan Soomaaliyeed oo Fankii ka baxay

Published

on

Fanaanka Soomaaliyeed ee caanka ah Maxamed Axmed Qoomaal ayaa la sheegay in uu ka baxay howlihii Fanka ee muddada dheer uu soo waday kuna dhaxjiray. Qoomaal ayaa hadda howlihiisii u leexiyay dhinaca barashadda iyo fahamka diinta Islaamka, waa sida lagu baahiyay baraha bulshadda.

Maxamed Axmed Qoomaal ayaa ka mid ahaa Fanaaniinta Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn, waxaana lagu xasuustaa heeso badan oo wadani iyo jacayl iskugujira. Qomaal ayaa ahaa fanaan ilaahay ku hibaystay cod iyo karti dhinaca heesaha iyo fanka ah.

Qaar ka mid ah dadka sida weyn ugaranaya fanaanka Maxamed Axmed Qoomaal oo soo dhigay baraha bulshadda ayaa ugu duceeyay in ilaahay ku soo celin saaxada Fanka maadaama meel ka khayr badan ilaahay uu ku duway.

Maxamed Axmed Qoomaal ayaa hadda wuxuu isku howliyaa sidii uu u baran lahaa Tafsiirka Qur’aanka Kariimka, Axaadiista micinahooda iyo guud ahaanba barashadda Diinta Islaamka, isaga oo hadda ah dhaalibul Cilmi.

Inkastoo Maxamed Axmed Qoomaal afkiisa laga maqlin inuu ka baxay howlihii Fanka ayaa haddana waxaa baraha bulshada qabsaday hadal hayn ah in Fanaankaasi uu ka baxay arimihii Fanka iyo suugaanta.

Fanaaniin badan ayaa horay sidaan oo kale ooga baxay arrimaha Fanka iyo Suugaanta la xiriira, waxaana ka mid ah Fanaaniintaas ka baxay Fanka Axmed Biif oo hadda dhaalibul Cilmi ku ah madaraso ku taala duleedka Muqdisho, Maxamed Cumar Dalxa oo asana dhanka Siyaasadda u wareegay sidoo kale waxaa ka mid ah Fanaantaasi Fanka ka haray dhowr hablood oo iyana sidaas oo kale sheegay in ay ka baxeen arimihii Fanka

Fanaaniinta Soomaaliyeed ee fanka kabaxay waxaa ugu caansan Cabdillahi Sulfa oo ku magac dheer Sulfa oo isagu dagaalada sokeeye kahor fanka ka fariistay, kana codsadday dhamaan dadka Soomaaliyeed in ay heesihiisa iyo fankiisa ayna dhagaysan iyaga oo ilaahay dartiis isaga ugu duceynaya, dambi dhaafna Alle ka codsaday.

Trending

Exit mobile version