Wararka Soomaalida
Farmaajo,Abiy iyo Uhuru oo kenya kulan ku leh
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta gaaray Addis Ababa ayaa asaga iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed waxay gaareen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Haddaba maxay tahay safarka aan horey uqirshaysneen ee hadda deg dega uu ku aaday Nairobi Madaxweyne Farmaajo. Wat qoraal ah oo qodobaysan ayaa waxaa caawa laga soo saaray Madaxtooyada Soomaaliya. […]
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta gaaray Addis Ababa ayaa asaga iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed waxay gaareen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Haddaba maxay tahay safarka aan horey uqirshaysneen ee hadda deg dega uu ku aaday Nairobi Madaxweyne Farmaajo.
Wat qoraal ah oo qodobaysan ayaa waxaa caawa laga soo saaray Madaxtooyada Soomaaliya.
1. Madaxweyne Farmaajo wuxuu caawa gaarayaa Nairobi si uu berri wada hadallo ula yeesho Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
2. Waxaa sidoo kale safarkan ku wehliya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed.
3. Saddexda hoggaamiye waxay yeelan doonaan kulamo ujeedkoodu yahay in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliyo iyo Kenya.
4. Kenya waa dal ay naga dhaxeeyaan dano badan oo waxtar uleh labada dhinac, soocelinta xiriirka diblomaasiyadeedna waxaan u aragnaa tallaabo horusocodnimo ah.
5. Kiiska ay gacanta ku hayso Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee BADDA wax gorgortan iyo wada hadal ah kama furna. Waxaan ka war sugeynaa go’aanka maxkamadda. Hal taako oo dhulkeenna kamid ah wada hadal ka gali mayno.