Connect with us

Wararka Soomaalida

Sucudiga oo Shuruud adag ku xiray Ganacsatada Xoolaha ee Soomaaliland

Ganacsatada dhoofka Xoolaha ee deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa caqabad weyn kala kulmay boqortooyada Sucudiga ka dib markii Shuruud looga dhigay in dowladda federaalka Soomaaliya ay kala yimaadaan warqad ruqso caafimaad ah haddii kale Xoolaha laga dhoofiyo dekadaha Berbera iyo Burco ee Maamulka Soomaaliland aaney la qaabilaynin oo Sucudiga dib u soo celinayaan. Dhowaan ayaa waxaa […]

Published

on

Ganacsatada dhoofka Xoolaha ee deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa caqabad weyn kala kulmay boqortooyada Sucudiga ka dib markii Shuruud looga dhigay in dowladda federaalka Soomaaliya ay kala yimaadaan warqad ruqso caafimaad ah haddii kale Xoolaha laga dhoofiyo dekadaha Berbera iyo Burco ee Maamulka Soomaaliland aaney la qaabilaynin oo Sucudiga dib u soo celinayaan.

Dhowaan ayaa waxaa markab Xoolo ka qaday Dekadda Berbera ee Soomaaliland uu ku xirtay Magaalada Jiddah ee Caasimadda Boqortooyada Sucudiga ka dibna ku sigtay in dib loo soo celiyo Xoolahaa ka dibmarkii Ganacsatada Xoolahas laga waayay warqada ruqsada Caafimaadka ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Soomaliya.

Arinkaas oo markii dambe Boqortooyada Sucudiga ay ku adkaysteen in Ganacsatada Xoolaha ee Maamulka Soomaaliland dib ula laabtaan Xoolahooda ayaa waxaa arintii galay oo lahadlay madaxda Sucudiga Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Wada hadal dheer ka dib ayaa waxaa Ganacsatadii Xoolaha ee Maamulka Soomaaliland loo ogolaaday in lagal wareego Xoolahaas oo madaxda Sucudiga sidaas ku aqbalay codsi uu diray Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya inkastoo Madaxda Maamulka Soomaaliland warkaas ay beeniyeen.

Madaxda Sucudiga ayaa markii Xoolahaas ay kula wareegeen dalabkii ugu yimid dhinaca dowladda Soomaaliya awgeed dhinaca kale usheegay Ganacsatada Xoolaha ee Maamulka Soomaaliland in hadda ka dib iyagoo ka wadanin ruqsada warqada Caafimaadka Xoolaha dowladda federaalka Soomaaliya isku soo halaynin Sucudiga.

Ganacsatadaas ayaa xog uu helay Wargayska Tusmotimes waxay sheegaysa in dalabka Sucudiga ay ogolaadeen mar haddiiba shuruud looga dhigay inay shahaado Caafimaad iyagoon ka haysan dowladda Soomaaliya Xoolo usoo dhoofinkarin Sucudiga.

Dhinaca kale war maanta ka soo baxay wasaaradda Caafimaadka Sucudiga ayaa waxaa shuruud looga dhigay Maamulka Soomaaliland Ganasatada Xoolaha ka soo dhoofiya inay shahaadada Caafimaadka Xoolaha qasab ku tahay inay ka soo qaataan dowladda federaalka Soomaaliya.

Ganacsatada ku nool deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa hadda wajahaya aqabadii ugu weynayd abid soo marta tan iyo intii Maamulka Soomaaliland ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya inteeda kale ka go,een oo ay yihiin dowladda madaxbanaan sida ay sheegaan madaxda Maamulkaas.

Ganacsatada Xoolaha dhoofiya ee ku kala nool Maamulada Puntland iyo Soomaaliland ayaa Xoolaha ugu badan udhoofiya wadamada Sucudiga,Cuman iyo Yeman waxaana sanadkan oo kale dalka Cuman Ganacsatada reer Soomaaliland udhoofiyaan 10,000 (kun oo Dibi).

War ka soo baxay dhanka dalka Cuman ayaa sheegaya in Ganacsatada Xoolaha ee deegaanada Maamulada Soomaaliland iyo Puntland looga baahan yahay in ruqsad Caafimaad ay kala yimaadaan dowladda dhexe ee Soomaaliya waa caqabad kale oo Soomaaliland ka soo wajahday dalka Cuman iyadoo ay taagan tahay tii Sucudiga ay kala soo kulmeen.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Somali News

Xafladda Caleema-saarka MW Xasan Sheekh oo si heer sarre ah ku dhamaatay

Published

on

By

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaa hoolka afisyooni oo ah halkii lagu doortay 15 May 2022, isla-markaana ku yaal xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Musaasabaddan lagu caleema-saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka soo qaybgalay oo ay kulmisay marti sharaf kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxweyneyaal, Hoggaamiyeyaal, Mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladaha caalamka, Ergo mataleysa Ururada heer Gobol, heer Qaaradeed iyo kuwa Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Xigashadda Sawiradda: UNSOM STRATEGIC COMMUNICATIONS

Continue Reading

Community

Munaasabad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada kooxda Twin Cities Sanaadkan soo hoysay

Published

on

By

Waxaa magaallada St. Paul ee gobolka Minnesota lagu qabtay xaflad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada iyo da’ayarta kooxda kubadda cagta ee Twin Cities Youth Soccer Club. Munaasabadan oo si heer sarre ah loo soo agaasimay ayaa sannadkan hal ku dhigeedu ahaa “Dhallinyaradena, Mustaqbalkeena”.

Naadiga kubadda cagta ee Twin Cities ayaa ka kooban 180 dhallinyaro ah oo ay da’doodu u dhaxayso 5 sanno ilaa iyo 15 sanno. Da’yartan iyo dhallinyaradan naadiga Twin Cities Soccer Club u ciyaara ayaa ka kooban 12 kooxood. Haddaba ciyaartoydan da’da yar ayaa sannadkan soo hooyay guulo iyaga oo hantay koobab, kuna guuleystay horyaalo waaweyn oo sannad walba lagu qabto gobolka Minnesota. 

Guulaha iyo koobabka ay dhallinyarada Twin Cities Soccer Club ayaa waxaa kamid ah: 

  1. Kaalinta Koobaad USA CUP
  2. Kaalinta Labaad Horyaalka MYSA
  3. Kaalinta Koobaad Koobka Somali Week
  4. Kaalinta 4-aad Horyaalka MYSA

Munaasabada loogu dabaal degayey horumarka iyo guulaha ay dhallinyarada iyo Naadiga Twin Cities Soccer Club gaareen sannadkan 2021 ayaa waxaa ka soo qayb galay waalidtiin, qaar kamid ah hogaamiyeyaasha, culumadda, aqoon yahaniinta iyo madaxda gobolka Minnesota. Waxaa goobta munaasabada laga jeediyay qudbado kala duwan oo dhiiri-gelin iyo dabaal deg iskugu jiray. 

Maamulka iyo macalimiinta kooxda Hawaji, Robert, Justin, Abass, Ali, Hashi, Abdiqadir Tute iyo Ahmed Indho ayaa ciyaartoyda iyo kooxaha kala duwan ee uu naadigu ka kooban yahay gudoonsiiyay Abaal-marin, hadiyado iyo shahaadooyin loogu dabaal degayo shaqada wanaagsan iyo guulaha kala duwan ee ay sannadkan soo hooyeen. 

Continue Reading

Somali News

Soomaali ka ganacsadda xubnaha dadka tahriiba oo dalka Liibiya lagu xiray

Published

on

By

Mas’uuliyiinta iyo ciidanka dalka Liibiya ayaa xiray nin Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay dambiyo la xiriira ka ganacsiga dadka iyo gaditaanka xubnaha bini’aadanka.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Xasan Qidi, lana sheegay in uu yahay muwaadin u dhashay dalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inuu hoggaaminayey Shabakad abaabulan oo ka ganacsata Tahriibka, socdaalka sharci -darrada ah iyo gaditaanka xubnaha lagala baxo dadka iyagu tahriibka ah.

Mas’uul u hadlay ciidanka dalka Liibiya ee iyagu howl-galka lagu soo qabtay Xasan Qidi fuliyay ayaa sheegay in Xasan Qidi iyo kooxda la shaqaysata ay si ula kac ah u dileen dad aad u tiro baddan oo muhaajiriin ah si ay uga ganacsadaan xubnaha jidhkooda. Waxaa kale oo Xasan Qidi iyo Shabakada uu hogaamiyaha ka yahay lagu eedaynayaa in ay galeen dambiyo kale, sida kufsi, xabsi afdbuub ah, jir dil, iyo in ay ku qasbaan qoysaska dadka ay qabsadaan sidii ay u bixin lahaayeen madax furasho si loo sii daayo ehelladooda.

Marar baddan waxaa la maqli jiray in dad Soomaali ahi ay ku lug leeyihiin afduubka dhallinyaradda iyo Soomaalida tahriibka ah ee gacanta u gala dadka loogu magac daray “MA GAFE”, balse waa markii ugu horeysay ee dad Soomaali ah loo qabto in ay ku lug leeyihiin hogaanka dadka ka ganacsadda dadka tahriibaya iyo xubnaha jidhkooda.

Xigashadda Sawiradda: Waaxda Booliiska dalka Liibiya

Continue Reading

Trending