Wararka Soomaalida
Iska hor imaad khasaaro sababay oo ka dhacay Garoonka Kismaayo
Wararka nagasoo gaaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in iska hor imaad caawa ku dhaxmaray Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo Ciidamo taageersan mid ka mid ah Musharaxiinta u taagan hogaanka cusub ee Maamulka Jubbaland ka dib markii Musharaxaas uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose. Musharaxaas utaagan qabashada […]
Wararka nagasoo gaaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in iska hor imaad caawa ku dhaxmaray Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo Ciidamo taageersan mid ka mid ah Musharaxiinta u taagan hogaanka cusub ee Maamulka Jubbaland ka dib markii Musharaxaas uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose.
Musharaxaas utaagan qabashada Hogaanka sare ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdinaasir Seeraar Maax kana mid ah siyaasiyiinta sida weyn looga qadariyo Magaalada Kismaayo iyo guud ahaan deegaanada Maamulka Jubbaland.
Isku dhaca labada Ciidan ayaa yimid kagadaal markii Ciidamada Maamulka Jubbaland ay kala eryiyeen shacabkii soo dhaweyn lahaa Musharaxaas iyagoo sidoo kale Musharaxa udiiday inuu ka soo dego Diyaaraddii keentay Garoonka Magaalada Kismaayo.
Intaas ka dib waxaa talaabadaas ka warhelay Ciidamada taageersan Musharax Cabdinaasir Seeraar Maax waxaana Ciidamadii Musharaxa ku dhaqaaqeen inay isku dayaan sidii xoog ugu geli lahaayeen gudaha Garoonka iyagoo ujeedkooda ahaa inay soo galbiyaan Musharaxooda.
Go,aanka Ciidamada Musharaxa ayaa waxaa hor istaagay Ciidamada Maamulka Jubbaland ee ku sugan Garoonka diyaaradaha waxaana bilaabatay inay isku adeegsadaan Ciidamadaas hubka fudud ee AK47-ka waxaana isku dhacaas labada Ciidan ka dhashay khasaaro soo kala gaaray labada dhinac sida ay inoo sheegeen goobjoogiyaal ku sugan Magaalada Kismaayo oo aan qadka Teleefonka kula hadalnay.
Khasaaraha soo kala gaaray labada Ciidan ayaa waxaa naloo sheegay inuu yahay dhaawacyo labada Ciidan ah ka dib saacad iyo ka badan ay isku rasaasaynayeen ihirdda hore ee Garoonka diyaaradaha laga galo.
Waxaa markii dambe falkaas ku baxay oo kala qaaday labada Ciidan Ciidamada Kenya ee ilaalada ka haya harewraha Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo.
Ciidamadii Musharax Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa lanoo sheegay inay dib ugu laabteen Magaalada Kismaayo iyadoo sidoo kale Ciidmaada Kenya soo galbiyeen Musharax Cabdinaasir Seeraar Maax ka dibna geeyey hoygiisa uu ku leeyahay Magaalada Kismaayo.
Wararka aan ka helayno Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay kajirto Magaalada Kismaayo iyadoo arintan ay la xiriirto iska hor imaadkii galabta Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.
Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Kismaayo ayaa naloo sheegay inay waan waan ka dhax bilaabeen dhinacyada ku dagaalamay garoonka Kismaayo si aanay xaalada ugu siidarin.
Musharaxan dartiis Ciidamada iskuuga dhaceen ee gabaldhicii caawa ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ee lagu magacaabo Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa horay u,ahaa Afhayeenkii Maamulka Jubbaland sanadihii 2012 ilaa 2015kii.
Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa markii dambe waxay isku dheceen Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) iyadoo markii dambe laga qaaday xilkii Afhayeenimada ee Maamulka Jubbaland.
Musharax Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa wixii ka dambeeyey isku dhaca asaga iyo saaxiibkii Axmed Madoobe iyo talaabadii xil kaqaadista ayaa wuxuu udiyaar garoobayey Musharaxnimada Maamulka Jubbaland iyadoo Cabdinaasir Seeraar uu leeyahay Ciidan hubaysan oo aan yarayn sida aan wararka ku hayno.
Axmed Madoobe iyo Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa waxay ahaayeen labo sarkaal oo usoo jabhadeeyey ka qabsashada Al shabaab Magaalada Kismaayo xili Al shabaab ay ku xooganaayeen Kismaayo.
Waxaana markii dambe Axmed Madoobe iyo Cabdinaasir Seeraar usuurta gashay in xoog ay ugu saaraan Al shabaab Magaalada Kismaayo iyagoo gacan ka helayey Ciidamada Kenya oo markaas ka mid ahayn howlgalka AMISOM inkostoo muddo ka dib Ciidamada Kenya lagu daray howlgalka AMISOM.
Dhinaca kale Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda isxulafaysiga Musharaxiinta utaagan qabashada xilka Madaxweynaha Jubbaland iyagoo ka soo hor jeeda Axmed Madoobe sidii meesha ugu leexin lahaayeen.
Doorashada hogaanka cusub ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa inay qabsoonto bisha August ee sanadkan 2019ka iyadoo Axmed Madoobe dhiniciisa uu ku dadaalayo ku soo noqoshada Kursiga Madaxweyne ee Jubbaland.
Community
OGEYSIIS: XANUUNKA JADEECADDA OO MINNESOTA KU FAAFAY
Minnesota –
Waxaad Tusmo Times uga barateen in aan idinla wadaagno oo aan idin wargelino akhbaar, warar iyo macluumaad la xiriira ammniga, bed-qabka bulshadda iyo arrimaha guud ahaan saameeya bulshadda Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka Minnesota. Haddaba maanta waxaan idinla wadaageynaa fariin, macluumaad iyo wargelin muhiim ah oo ku socota qoysaska iyo bulshadda Soomaalida oo la xiriirta caafimaadka.
Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtay in Cudurka Jadeecada oo bishii shanaad ee May ka bilowday gobolka Minnesota uu faafay, cudurkan ayaa ku faafay oo soo riday 39 carruur ah, sidoo kale tiradda carruurta ama dadka uu ku dhacay ama laga helay cudurka jadeecadda ee gobolka Minnesota ayaa 40 qof maraya sannadkan.
Ha’yadda Caafimaadka Aduunka ee (World Health Organization) ayaa sheegtay in 136,000 oo qof in ay u dhinteen cudurka jadeecada dunida oo dhan sannadkii 2022-ka.
Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqay sannadkii 2000 in cudurka Jadeecadda gebi ahaanba dalka Mareykanka laga tirtiray oo saameeyntiisa la so oaf-jaray. Balse sannadkii 2017-kii ayuu cudurku dib uga dilaacay gobolka Minnesota, wuxuuna ku dhacay 70 qof oo u baddan Soomaali. Sannadkii 2022 ayuu markale cudurku dib ugu faafay gobolka Minnesota markii laga helay dhowr qof oo dalka dibadiisa u safray.
MAXAY KA DHIGAN TAHAY WARBIXINTAN LA XIRIIRTA CUDURKA JADEECADA?
Jadeecadu waa xanuun la kala qaado oo uu fayrus keeno, kuna faafa hawada, qofkuna qufac iyo hindhiso yeesho. Cudurka Jadeecadu waa caabuq uu talaal baajin karo.
Haddaba faafitaanka cudurkan jadeecada, gaar ahaan saameynta uu ku leeyahay carruurta Soomaalida oo iyagu u baddan 30 qof ee uu cudurku soo ritay ayaa la xiriirta, loona aaneynayaa talaal la’aanta ama carruurta aanan talaalneyn.
Marka ay qoysasku socdaalaan ama safar ay ku tagaan wadamo qaarada Africa kamid ah, carruurtooduna ayna talaalneyn waxay keentaa in ay qaadaan cudurka, kaddibna ku faafo qoyska iyo bulshadda inteeda kale. Waana mida keentay in uu mudo kooban cudurku ku faafo Minnesota, gaar ahaan carruurta Soomaalida.
Waxaa jira dugsi kamid ah dugsiyadda ku yaala gobolka Minnesota oo ay maamulka dugsigu iskood u xireen dugsiga si ay uga hortagaan faafitaanka cudurka Jadeecada.
Waxaa bilowday oo dib loogu noqday Iskuuladii. Sidoo kale waxaa jira goobo ay kamid yihiin XANAANOOYINKA, DUGSIYADDA, ISKUULADDA, GOOBAHA LAGU CIYAARO IYO XARUMO KALE oo ay si gaar ah carruurta Soomaalidu u tagaan, uguna xiran yihiin, waana arrin kordhin karta faafitaanka cudurka oo walwalkeeda leh.
MAXAY YIHIIN CALAAMADAHA JADEECADU?
Calaamadaha jadeecada waxay badanaa yimaadaan marka hal ilaa laba todobaad kaddib qofku la kulmo cid qabta cudurkan. Jadeecadu waxay ku bilaabantaa duuf sanka ah oo qofka ka dareera, qufac, indhaha oo casaan noqda. Dhibco yaryar oo cadaan ah ayaa kasoo baxa afka wixii ka danbee sadex maalmood marka calaamadaha la arko oo ay la socoto xumad yar (101-102°F). Finan badan ayaa qofka ka soo yaaca oo ay u dheertahay xumad baddan oo gaaraysa (104°F) taas oo timaada saddex ilaa shan maalmood kaddib marka calaamadaha u horeeyay la arkay.
Finanka qofka ka soo baxa ayaa bilaaba in ay yeeshaan meelo casaan ah oo wajiga ka soo baxa, kaddibna waxay ku faafaan jidhka intiisa kale. Ka dib marka finanku faafaan, waxaa dhici karta in ay finanka kala duwan isasoo gadhaan.
Dhibaatada iyo saameynta caafimaad ee uu cudurkani leeyahay waxaa kamid ah:
1. Caabuqa sanbabka (pneumonia) kaas oo keena in isbitaalka la isku dhigo, waana sababaha ugu waawayn ee ay carruurtu ugu dhintaan cudurka jadeecada, ama isbitaal in mudo ah loo seexiyo.
2. Barar maskaxda ah (encephalitis) ayaa iman kara, kaas oo horseedaya suuxdin, dhago beeli rasmi ah ama laxaad la’aan ku dhacda garaadka qofka.
SIDEE AYEEY CARRUURTU KU QAADI KARAAN JADEECADA?
Jadeecadu badanaa waxaa keena fayrus faafa oo ku dhaca tobankii qof sagaal qof oo ah kuwa aanan laga talaalin. Fayruska jadeecadu waxa uu ku gudbaa hawada maadama uu qufac iyo hindhiso wato. Carruurta qaaday jadeecadu waxay neefsadaan hawo uu la socdo fayruska cudurka keena. Qofka cudurkani uu ku dhacay marka uu taabto meel, tusaale ahaan marka ay taabtaan indhahooda, sankooda ama afkaba waxa ay ku reebaan fayruska. Dadku waxay dadka kale qaad siin karaan ama ku faafin karaan laga bilaabo maalinta afraad iyo wixii ka danbeeya oo dhan.
SIDEE LOO DAAWEYN KARAA JADEECADA?
Ma jirto dawo fayruska lagu dilo uu u gaar ah oo lagu dawayn karo caabuqa jadeecada. Balse waxaa jira ka hortag uu talaalku know ka yahay iyo isticmaalka Fiitaamiin A-ga oo taakulo kaalmo ah keeni kara. Balse Fiitaamiin A-gu kama hortago ama ma daweeyo jadeecada.Waxa ugu wanaagsan ee la hubo ee kahortaga keena waa Talaalka MMR-ka.
MAXAY QOYSKU SAMAYN KARAAN SI AY UGA HORTAGAAN JADEECADA?
• Talaalka MMR ayaa ah qaabka ugu wanaagsan ee la iskaga ilaalin karo jadeecada. MMR waa talaal amaan ah oo wax ku ool ah. Laba xadi ama laba jeer oo kala duwan oo Talaalka MMR-ka ah ayaa boqolkiiba 97% kahortagi kara jadeecada. Eeg ama waydii dhakhtarka carruutaada diiwaankaaga talaalka cunugaaga si aad u xaqiijiso in MMR iyo talaalada kale ee ay carruurtaadu qaateen. Carruurtu waxay u baahan tahay laba xadi oo talaalka MMR-ka ah; xadiga kowaad ama midka koobaad waxaa la siiyaa marka ay yihiin 12-15 bilood jir ka labaadna waxaa lasiiyaa mark ay lix sanno jir yihiin.
• La soco oo horay u qorshee haddii qoyskaagu uu diyaar u yahay in uu safar caalami ah oo wadanka looga baxo uu galo. Carruurta yaryar ee 6 bilood kayar waxay qaadan karaan talaalka MMR-ka ka hor inta ayna safrin si aad u taxadartaan oo caafimaadkooda u ilaalisaan. Carruurta waawayn waxay sidoo kale haboon in ay qaataan xadiga labaad ama qaybta labaad ee talaalka MMR-ka. Kala hadal dhakhtarka kuu daryeela carruurta wixii khatar ah ee carruurtu kala kulmi karaan socdaalka iyo safarka aad galeysaan.
• Waxaa dhici karta in ay jiraan xubno qoyskaaga ah oo aan lasiin karin talaalka MMR-ka oo ay ku jiraan carruurta, dumarka uurka leh iyo dad kale oo difaaca jidhkoodu diciif yahay sababo la xiriira caafimaadkooda. Haddaba haddii ay qoyskaaga kamid yihiin dad ku sugan marxaladahan caafimaad, fadlan la xiriir dhakhtarkaaga, kalana tasho safarka aad galayso iyo sidii aad caafimaad ahaan isku badbaadin lahaydeen.
Halkan kala soco warbixinta caafimaad ee ku saabsan faafitaanka Jadeecada iyo macluumaad muhiim ah oo la xiriira:
https://www.health.state.mn.us/diseases/measles/index.html
HADDABA HADII AAD QABTO SU’AALO LA XIRIIRA FAAFITAANKA CAABUQA JADEECADA AMA AKHBAAR DHEERAAD AH AAD U BAAHAN TAHAY FADLAN LA XIRIIR WAAXDA CAAFIMAADKA EE GOBOLKA MINNESOTA ADIGA OO WACAYA TALEEFANKA QAYBTA KA HORTAGA CUDURADA FAAFA 651-201-5414
AMA LA XIRIIR DHAKHTARKA DARYEELA QOYSKA IYO CARRUURTAADA.
Somali News
Xafladda Caleema-saarka MW Xasan Sheekh oo si heer sarre ah ku dhamaatay
MUQDISHO, Soomaaliya – Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaa hoolka afisyooni oo ah halkii lagu doortay 15 May 2022, isla-markaana ku yaal xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Musaasabaddan lagu caleema-saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka soo qaybgalay oo ay kulmisay marti sharaf kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxweyneyaal, Hoggaamiyeyaal, Mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladaha caalamka, Ergo mataleysa Ururada heer Gobol, heer Qaaradeed iyo kuwa Caalamka iyo Marti sharaf kale.
Xigashadda Sawiradda: UNSOM STRATEGIC COMMUNICATIONS
Community
Munaasabad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada kooxda Twin Cities Sanaadkan soo hoysay
Waxaa magaallada St. Paul ee gobolka Minnesota lagu qabtay xaflad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada iyo da’ayarta kooxda kubadda cagta ee Twin Cities Youth Soccer Club. Munaasabadan oo si heer sarre ah loo soo agaasimay ayaa sannadkan hal ku dhigeedu ahaa “Dhallinyaradena, Mustaqbalkeena”.
Naadiga kubadda cagta ee Twin Cities ayaa ka kooban 180 dhallinyaro ah oo ay da’doodu u dhaxayso 5 sanno ilaa iyo 15 sanno. Da’yartan iyo dhallinyaradan naadiga Twin Cities Soccer Club u ciyaara ayaa ka kooban 12 kooxood. Haddaba ciyaartoydan da’da yar ayaa sannadkan soo hooyay guulo iyaga oo hantay koobab, kuna guuleystay horyaalo waaweyn oo sannad walba lagu qabto gobolka Minnesota.
Guulaha iyo koobabka ay dhallinyarada Twin Cities Soccer Club ayaa waxaa kamid ah:
- Kaalinta Koobaad USA CUP
- Kaalinta Labaad Horyaalka MYSA
- Kaalinta Koobaad Koobka Somali Week
- Kaalinta 4-aad Horyaalka MYSA
Munaasabada loogu dabaal degayey horumarka iyo guulaha ay dhallinyarada iyo Naadiga Twin Cities Soccer Club gaareen sannadkan 2021 ayaa waxaa ka soo qayb galay waalidtiin, qaar kamid ah hogaamiyeyaasha, culumadda, aqoon yahaniinta iyo madaxda gobolka Minnesota. Waxaa goobta munaasabada laga jeediyay qudbado kala duwan oo dhiiri-gelin iyo dabaal deg iskugu jiray.
Maamulka iyo macalimiinta kooxda Hawaji, Robert, Justin, Abass, Ali, Hashi, Abdiqadir Tute iyo Ahmed Indho ayaa ciyaartoyda iyo kooxaha kala duwan ee uu naadigu ka kooban yahay gudoonsiiyay Abaal-marin, hadiyado iyo shahaadooyin loogu dabaal degayo shaqada wanaagsan iyo guulaha kala duwan ee ay sannadkan soo hooyeen.
-
Local News12 months ago
Ubax Cali oo noqotay wariyihii ugu horreeyay ee Soomaali-Maraykan ah oo TV Minnesota ku yaala wariye ka noqota
-
Local News11 months ago
24-year-man charged with attempted murder, assault for gunfire exchange with Park police
-
Local News11 months ago
Dab ka kacay dhismii ahaan jiray dukaanka Kmart ee ku yaala wadada Lake ee Minneapolis
-
Arts & Culture12 months ago
Munaasabad lagu maamuusayo sannad guuradii tobnaad ee ka soo wareegtay aas-aaska madxafka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ee Minnesota
-
Arts & Culture12 months ago
Award-winning artist K’naan releases new song honouring refugees
-
Local News11 months ago
Minnesota honors refugees for their contributions
-
Health12 months ago
Research Brief: ‘Social capital’ contributes to food security of Somali-American households
-
Health12 months ago
Vaping – What Parents Should Know