Connect with us

Wararka Soomaalida

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo War Murtiyeed soo saaray

WAR-MURTIYEEDSida la wada ogsoon yahay waxaan siyaasadda si ku meel gaar ah oga nastay horaantii 2017kii arimo xagga caafimaadka la xiriira.Haddaba waa Rabi mahaddiiye kol haddii xaaladdii caafimaad dari ay meesha ka baxday, wada tashi dheer oo aan la qaatay qeybaha bulshada, asxaabta siyaasadeed iyo taageerayaasha mudadii lixda bilood aheyd ee sanadkanwaxaan go,aansaday inaan mudada […]

Published

on

WAR-MURTIYEED
Sida la wada ogsoon yahay waxaan siyaasadda si ku meel gaar ah oga nastay horaantii 2017kii arimo xagga caafimaadka la xiriira.
Haddaba waa Rabi mahaddiiye kol haddii xaaladdii caafimaad dari ay meesha ka baxday, wada tashi dheer oo aan la qaatay qeybaha bulshada, asxaabta siyaasadeed iyo taageerayaasha mudadii lixda bilood aheyd ee sanadkan
waxaan go,aansaday inaan mudada soo socota siyaasadda dib ugu soo laabto kana qeyb qaato wax u qabadka dadkeyga iyo dalkeyga.
Haddaba ayadoo arimahaas kor ku xusan aynu ka duulayno waxaa qabanqaabadiisa socotaa unkidda iyo yagleelidda xisbi weyn oo siyaasadeed oo ka turjumo aragtida iyo fikirka siyaasadeed ee aynu kaga qeybgaleyno dib u dhiska dalka iyo horumarintiisa ee mustaqbalka dhow iyo kan fog intaba, anagoo isbaheysi iyo bahwadaagba la sameysan doonna xisbiyada iyo kooxaha siyaasadeed ee aynu isku aragti noqon karno.
Waxaanu bogaadineynaa xoogagga isbadal doonka ah ee u taagan toosinta hanaanka dimoquraadiyadeed ee dalka iyo sareynta sharciga.
Dhanka kale waxaan dowladda ugu baaqeyna inaysan talada dalka kaligeed isku gooni yeelin, gaar ahaa arimaha la xiriira dhameystirka dastuurka, doorashooyinka iyo kheybsiga ljeyraadka dalka, dhawrtana dastuurka, shuruucda wadanka u taala iyo hay,adaha dastuuriga ah ee dalka ka jira.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeyna inay ka qeyb qaatan dhismaha dalkooda iyo horumarintiisa.
C/kariin Xuseen Guuleed
Madaxweynahii hore ee Galmudug

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Somali News

Xafladda Caleema-saarka MW Xasan Sheekh oo si heer sarre ah ku dhamaatay

Published

on

By

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaa hoolka afisyooni oo ah halkii lagu doortay 15 May 2022, isla-markaana ku yaal xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Musaasabaddan lagu caleema-saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka soo qaybgalay oo ay kulmisay marti sharaf kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxweyneyaal, Hoggaamiyeyaal, Mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladaha caalamka, Ergo mataleysa Ururada heer Gobol, heer Qaaradeed iyo kuwa Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Xigashadda Sawiradda: UNSOM STRATEGIC COMMUNICATIONS

Continue Reading

Community

Munaasabad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada kooxda Twin Cities Sanaadkan soo hoysay

Published

on

By

Waxaa magaallada St. Paul ee gobolka Minnesota lagu qabtay xaflad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada iyo da’ayarta kooxda kubadda cagta ee Twin Cities Youth Soccer Club. Munaasabadan oo si heer sarre ah loo soo agaasimay ayaa sannadkan hal ku dhigeedu ahaa “Dhallinyaradena, Mustaqbalkeena”.

Naadiga kubadda cagta ee Twin Cities ayaa ka kooban 180 dhallinyaro ah oo ay da’doodu u dhaxayso 5 sanno ilaa iyo 15 sanno. Da’yartan iyo dhallinyaradan naadiga Twin Cities Soccer Club u ciyaara ayaa ka kooban 12 kooxood. Haddaba ciyaartoydan da’da yar ayaa sannadkan soo hooyay guulo iyaga oo hantay koobab, kuna guuleystay horyaalo waaweyn oo sannad walba lagu qabto gobolka Minnesota. 

Guulaha iyo koobabka ay dhallinyarada Twin Cities Soccer Club ayaa waxaa kamid ah: 

  1. Kaalinta Koobaad USA CUP
  2. Kaalinta Labaad Horyaalka MYSA
  3. Kaalinta Koobaad Koobka Somali Week
  4. Kaalinta 4-aad Horyaalka MYSA

Munaasabada loogu dabaal degayey horumarka iyo guulaha ay dhallinyarada iyo Naadiga Twin Cities Soccer Club gaareen sannadkan 2021 ayaa waxaa ka soo qayb galay waalidtiin, qaar kamid ah hogaamiyeyaasha, culumadda, aqoon yahaniinta iyo madaxda gobolka Minnesota. Waxaa goobta munaasabada laga jeediyay qudbado kala duwan oo dhiiri-gelin iyo dabaal deg iskugu jiray. 

Maamulka iyo macalimiinta kooxda Hawaji, Robert, Justin, Abass, Ali, Hashi, Abdiqadir Tute iyo Ahmed Indho ayaa ciyaartoyda iyo kooxaha kala duwan ee uu naadigu ka kooban yahay gudoonsiiyay Abaal-marin, hadiyado iyo shahaadooyin loogu dabaal degayo shaqada wanaagsan iyo guulaha kala duwan ee ay sannadkan soo hooyeen. 

Continue Reading

Somali News

Soomaali ka ganacsadda xubnaha dadka tahriiba oo dalka Liibiya lagu xiray

Published

on

By

Mas’uuliyiinta iyo ciidanka dalka Liibiya ayaa xiray nin Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay dambiyo la xiriira ka ganacsiga dadka iyo gaditaanka xubnaha bini’aadanka.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Xasan Qidi, lana sheegay in uu yahay muwaadin u dhashay dalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inuu hoggaaminayey Shabakad abaabulan oo ka ganacsata Tahriibka, socdaalka sharci -darrada ah iyo gaditaanka xubnaha lagala baxo dadka iyagu tahriibka ah.

Mas’uul u hadlay ciidanka dalka Liibiya ee iyagu howl-galka lagu soo qabtay Xasan Qidi fuliyay ayaa sheegay in Xasan Qidi iyo kooxda la shaqaysata ay si ula kac ah u dileen dad aad u tiro baddan oo muhaajiriin ah si ay uga ganacsadaan xubnaha jidhkooda. Waxaa kale oo Xasan Qidi iyo Shabakada uu hogaamiyaha ka yahay lagu eedaynayaa in ay galeen dambiyo kale, sida kufsi, xabsi afdbuub ah, jir dil, iyo in ay ku qasbaan qoysaska dadka ay qabsadaan sidii ay u bixin lahaayeen madax furasho si loo sii daayo ehelladooda.

Marar baddan waxaa la maqli jiray in dad Soomaali ahi ay ku lug leeyihiin afduubka dhallinyaradda iyo Soomaalida tahriibka ah ee gacanta u gala dadka loogu magac daray “MA GAFE”, balse waa markii ugu horeysay ee dad Soomaali ah loo qabto in ay ku lug leeyihiin hogaanka dadka ka ganacsadda dadka tahriibaya iyo xubnaha jidhkooda.

Xigashadda Sawiradda: Waaxda Booliiska dalka Liibiya

Continue Reading

Trending