Wararka Soomaalida

Nin sheegay inuu dhalay Idi Amin Madaxweynihii Uganda oo carbiska laga helay

Published

on

Deegaanka Carbiska ee u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha ayaa maanta waxaa lagu arkay nin sheegay inuu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Uganda Iidi Amiin Daada ee geeriyooday ka dib markii halkaas ay ku booqdeen Xildhibaano ka yimid dalka Uganda.

Ninkan sheegay inuu aabihiis uu yahay Iidi Amiin Daada ayaa waxaa lagu magacaabaa Sheekh Cabdulaahi Iidi Amiin Daada waxaana ninkan horey uga tirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya wuxuuna hada ku nool yahay deegaanka Carbiska ee Gobolka shabeelaha hoose.

Wafdigan la kulmay ninkan uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Uganda ayaa waxaa hogaaminayay mudanaha lagu magacaabo Charles Okello Engola oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda difaaca Uganda waxaa sidoo kale wafdigan kamid ahaa Xildhibaano katirsan guddiga difaaca Baarlamanka dalka Uganda.

Cabdulaahi Iidi Amiin ayaa sheegay in isaga iyo wiil kale oo la dhashay uu dhalay Madaxweynihii hore ee Uganda hadda ay ku nool yihiin Soomaaliya waxa uuna timaamay in hooyadood Soomaali tahay kana soo jeedo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Waxaa kaloo uu sheegay ninkan inaysan garaneyn isaga iyo walaalkiis walaalahood kale ee ay isku qoyska yihiin ee kunool Uganda iyo meelo kale ayna ubaahi qabaan in la,isbaro wuxuu kaloo tilmaamay Cabdullaahi Idi Amin Dada in Soomaalida ay la nool yihiin ee ay ka mid noqdeen ay kala la kulmeen xaalado kala duwan oo jinsi faquuqa ah.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda difaaca Uganda ayaa u balan qaaday Cabdulaahi Iidi in warbixintiisa gaarsiin doono xubnaha qoyskiisa ee kunool Uganda uguna horeeyo walaalkiisa Taban Amin oo ah Agaasimaha hay’ad amaanka qaabilsan arimahaas oo kale.

Madaxweynihii hore ee dalka Uganda Idi Amiin Daada ayaa marar badan safaro ku yimid dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka Beledweyne iyo Beledweyne waxay taariikhda xustaa inuu guursaday Haweeney Soomaali ah oo labo caruur ah u dhashay balse markii dambe ay is waayeen sida lagu xuso taarrikhdiisa.

Idi Amin Dada Madaxweynihii hore ee dalka Uganda ayaa wuxuu ahaa nin muslim ah islaamnidana aad ugu weynta ah wuxuuna ahaa nin wadamada Islaamka aad ujaclaayeen waxaa kaloo uu ahaa Sarkaalkii ugu darajada sareeyay wadamada Africa.

Idi Amin Dada ayaa wuxuu dhintay sanadkii 2003-dii 16 August wuxuuna ku dhintay dalka Saudi Arabia.

Trending

Exit mobile version