Wararka Soomaalida

Puntland iyo Galmudug oo soo saaray War ay ugu soo hor jeedaan Dowladda dhexe(Akhriso)

Madaxweyniyaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug Siciid Cabdulaahi Deni, Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo qaar ka mid ah Golayaasha labada Maamul ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka dibna ka dooday arimaha amaanka deegaanada ay maamulaan iyo guud ahaan siyaasadda dalka meesha  hadda waxmarayaan. Xaaf,Deni,wasiirada iyo Xildhibaanada labada Maamul ayaa marka […]

Published

on

Madaxweyniyaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug Siciid Cabdulaahi Deni, Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo qaar ka mid ah Golayaasha labada Maamul ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka dibna ka dooday arimaha amaanka deegaanada ay maamulaan iyo guud ahaan siyaasadda dalka meesha  hadda waxmarayaan.

Xaaf,Deni,wasiirada iyo Xildhibaanada labada Maamul ayaa marka hore isla qaadaadhigay wadashaqaynta labada Maamul iskaashiga xagga amaanka deegaanada Puntland iyo Galmudug sidii loo xoojin lahaa.

Dood dheer dabadeed mas,uuliyiintan ayaa isku raacay inay iskaashi adag ka yeeshaan sugidda amaanka Magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada kale ee Maamuladaan xadka wadaagaan.

Madaxdan shirka ku yeeshay Magaalada Gaalkacyo ayaa intaas ka dib gudagalay dooda Siyaasadda guud ee Soomaaliya iyo arimaha kala dhaxeeya Dowladda federaalka waxayna isla falanqeeyeen arimaha qaybsiga Khayraadka,Canshuuraha iyo Shidaalka.

Madaxweyniyaasha Maamulada Puntland Galmudug iyo mas,uuliyiintii ku weheliyey shirkaas ka dhacay Gaaljacyo ee Gobolka Mudug ayaa dood adag ka yeeshay qodobada Doorashada Madaxtanimo ee Soomaaliya sanadka 2021 iyo 2022 markii la gaaro sidoo kale sharciga Canshuuraha iyo Batroolka ee Soomaaliya islamarkaana kala dhaxeeya Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxdan ayaa ugu dambayntii soo saaray qodobadii ay isku raaceen kuna saabsan saluuga ay ka qabaan seddaxdaas qodob iyo habka shaqo ee Madaxda federaalka Soomaaliya wax umaamulayaan.

Siciid Cabdulaahi Deni iyo Axmed Ducaale Xaaf ayaa ka soo horjeestay labada qodob ee kala ah Canshuuraha iyo Batroolka waxayna sheegeen inay dood ka qabaan habka meelmarinta labadaas sharci ee Baarlamanka dowladda federaalka ay umeelmariyeen.

Dhinaca kale labadan Maamul Puntland iyo Galmudug ayaa ku heshiiyey inay samaystaan iskaashi cusub iyadoo horay Puntland ugu soo baxday xulafadii xaaf iyo Madoobe ee Galmudug iyo Jubbaland iyadoo Puntland ku biirtay xulafada Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ee sida tooska ah ula shaqeeya Dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa umuuqda mid siyaasidiisa dhinaca Maamulada iyo Dowladda dhexe labo Gabi-dhaclayn-nayso oo aan sal fadhiyo lahayn.

Hoos ka akhriso War Murtiyeedka labada Maamul Puntland iyo Galmudug maanta ay soo saareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version