Local News
Ubax Cali oo noqotay wariyihii ugu horreeyay ee Soomaali-Maraykan ah oo TV Minnesota ku yaala wariye ka noqota
MINNEAPOLIS – Ubax Cali oo kamid ah Soomaalida deggen gobolka Minnesota ayaa noqotay wariye ka tirsan talefishinka WCCO ee ku yaala magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota. Ubax Cali ayaa taariikh cusub ka dhigtay gobolka Minnesota oo ay deggen yihiin Soomaalida tiro ahaan ugu baddan dalka Mareykanka, kaddib markii ay ka mid noqotay shaqaalaha talefishinka WCCO iyadda oo noqonaysa wariyihii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee kamid noqda warbaahinta talefishinka maxaliga ah.
Ubax Cali ayaa horaantii bishii April, 2023 sheegtay in ay ka tagtay shaqadii wariyenimo ee ay ka haysay talefishinka TMJ4 oo ku yaala magaaladda Milwaukee ee gobloka Wisconsin ee dalka Mareykanka. Ubah Cali ayaa bogga ay ku leedahay Facebook ku soo qortay in ay wariye ka noqonayso, shaqana ka bilowday talefishinka WCCO oo ay sannadkii 2017-kii ka ahayd ardayda ka shaqeeya talefishinka WCCO.
Wariye Ubax Cali ayaa wareysi ay siisay Cathy Wurzer oo ka tirsan warbaahinta MPR News ka hadashay in ay riyadii ay lahayd u rumowday, kana miro dhalisay hamigii ay ka lahayd saxaafadda, ayna maant ku faraxsantahay in ay ku shaqaynayso xifrad ay jeceshahay, iyadda oo weliba cod u noqonaysa bulshadda ay ka soo jeedo iyo dad baddan oo aan ka muuqanin warbaahinta maxaliga ah.
Xigashadda sawiradda: Ubah Ali